Dibadbaxan oo uu soo qaban qaabiyay guddiga iskaashatooyinka gaadiidka xamuulka ee Dekedda Muqdisho ayaa lagu taageerayay madaxweynaha la doortay mudane Maxamed C/laahi , waxeyna xoogsatadu ka codsadeen madaxweyne Farmaajo in uu dib ugu celiyo shaqadii ay ka hayeen dekedda Muqdisho.
Gudoomiyaha guddiga iskaashatooyinka gaadiidka xamuulka Xaaji Cismaan Geeddi ayaa sheegay in iskaashatadu ay diyaar u tahay in dib loogu celiyo howlihii dekedda iyo in ay ka qeybqaataan dib u dhiska dalka.
Leave a Reply