
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan C/llaahi Saxardiid oo maanta shir jaraaid warbaahinta ugu qabtay Magaalada hargaysa ee Caasimada Somali-land ayaa sheegay in dacwad ay ka yihiin Laanta afka Soomaliga ee Bbc-da islamarkaana dacwad arintaas ku aadan ay u gudbin doonaan Madaxda ugu sareysa idaacadda.
Waxa uu sheegay wasiirka warfaafinta Somaliland in laanta afka Soomaliga eee Bbc-da ay mudooyinkii ugu dambeeyay caadeysatay ka hadalka arrimaha Xukuumadda Somali-land islamarkaana aysan ka hadlin hormarka ay gaarto, waxaa kaloo sheegey todobaaadyadii ugu dambeeyay doodaha ay qabanaysay Laanta afka Soomaliga ee Bbc-da ay kaga hadlaysay arrimaha Dekadda Berbera iyo Saldhigada Somali-land iyo Imaaraadka Carabta ay ku heshiiyeen islamarkaana doodadaas laga qeyb galinayay 3-qof oo kasoo jeeda Somaliya iyo 1-qof oo Somali-land ah.
Hadaba doodaa jimcaha ee BBCda waxaa ka qayb galay C/raxamaan Cirro g barlaamaka somaliland,Maxamuud Xaashi wasiirka madaxtooyada,Dr cabdi Ismaaciil samater iyo Dr Maxamed Cabdi oo wax kadhiga Jaacadaha Uk
Doodii jimcahana halkaan kadhagesyo
Leave a Reply