Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta waxa uu la kulmay Safiirka Dalka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya ee Devid Concar, ayaa ka wada hadlay taageerada Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa Xiriirka Kawada dhaxeeya Dowlada Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.
Safiirka UK ee Soomaaliya David Concer ayaa sheegay in Dowlada Ingiriiska si dhow ula shaqeyneyso Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumada uu soo dhisi doono. Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo taageerada UK ay had iyo jeer la garab taagan tahay Soomaaliya, waxaana uu ka mahad celiyay booqashada iyo is barashada Safiirka cusub ee UK u qaabilsan Soomaaliya.
Leave a Reply