Waxaa Xarunta Cusub ee Maamulka Degmada Baardheere ka furmey Tababarkii 3aad ee looga arinsanayo mashaariicda horomarinta ee laga hergeliyey degmada qaabka loola wareegi lahaa,loona xanaaneyn lahaa
iyo baahiyaha ay qabaan Bulshada ku dhaqan degmada marka laga eego adeegyada ay u baahan yahiin in laga saacido.
Tababarkani oo ay soo abaabuleen Maamulka degmada Baardheere ayaa mudada Seddexda Maalin uu soconaya waxaa ka qeyb galaya ku dhowaad 20 xubnood oo ka kala socda Maamulka degmada,Odoyaasha,Culimada
diinta,Dhalinyarada,Haweenka,Ganacsatada iyo Steerin commitiga.
Cabdulaahi Nuur Xasan oo ah Gudoomiyaha degmada Baardheere oo kahadlayey furitaanka Tababarkani ayaa ujeedada laga leeyahay waxuu ku tilmaamay u diyaar garoowga Xil wareejinta Mashaariicda Xasalinta Baardheere,qorsheynta xanaanada adeeg Bulsho,uruurinta Afkaarta Bushada,waxaana tababarkani soo agaasimey Maamulka degmada.
Leave a Reply