Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa maanta booqasho aan horey loosii shaacinin ku tagay Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose ee dalka Soomaliya, Safarkiisa Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose madaxweynaha dalka Kenya uhuru Kenyata waxaa ku wehlinayay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo Saraakiil Ciidaan, Ugu horeyntii Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa kormeero ku tagay Saldhigyada Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ay ku leeyihiin degmada Dhoobley ee Gobolada Jubada Hoose,wuxuuna mid mid u kormeeray goobaha ay difaacyada kaga jiraan Ciidamada Kenya.
Leave a Reply