Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 25 March 2017 si ramsi ah u daahfuray furashada Ururrada siyaasada nidaamka xisbiyada badan ee Puntland. Xaflada Furitaanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey, gudoonka Baarlamaanka, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, ururada bulshada rayidka ah, siyaasiyiin, Isimo, xubno ka socdey beesha caalamka, iyo martisharaf kale.
Leave a Reply