Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta Kormeer ku tagay Xeryaha Dadka Barakacayaasha ah ee ka soo cararay Abaaraha ku dhuftay qaar ka mid ah Gobollada Dalka Soomaaliya kuwaas oo Dib u dajin loogu sameeyay Xeryaha Barakacayaasha ee ku yaalla Duleedka Muqisho. Ra’iisul Wasaaraha Kheyre ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay maanta u baahan yihiin in ay isku gargaaraan maadaama Qoysas Soomaaliyeed ay wajahayaan Xaalado Nololeed.
Leave a Reply