Raisulwasaaraha Soomaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay wasiirka Cusub ee wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya Dr C/raxmaan Ducaale beyle ayaa sheegay In Xukuumadiisa ay la dagaalami doonto barnaamijka Musuq-maasuqa.
Xasan Cali Kheyre Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa sheegay in musuq-maasuqa uu yahay midka dila dowladnimada islamarkaana isaga iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ay isla garteen in ay la dagaalamaan Barnaamijka Musuq-maasuqa.
Leave a Reply