
Wasiirkii Hore ee Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa maanta xilka ku wareejiyay wasiirka Cusub ee wasaaradda Abdi Faarax Juxa oo dhawaan Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre u magacaabay Xilka wasaaradda, Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya ayay mas’uuliyiintaan xilalka ku kala wareegeen waxaana ku sugnaa xarunta waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.
Leave a Reply