Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka, Iyo Dib-u-hishiisiinta Soomaaliya Abdi Farah Saeed Juxa ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Galmudug, Wafdigaan Waxaa garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado kusoo dhaweeyay Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug Mohamed Abdi Xaashi(Carabey) Gudoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamanka Maamulka Galmudug Iyo Xubno ka socday Goleyaasha Galmudug.
Madaxwaynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa la filayo inuu Cadaado gaaro Si uu uga qayb-galo xaflada caleema saarka Madaxwayne galmudug.
Leave a Reply