Dowladii Dhexe ee Soomaliya ee uu Hogaaminaayey allaha unaxriistee Madaxwayne Maxamed siyaad Barre markay xukunka qabtay ayuu wuxuu balan qaday in shacabka soomaliyeed ay ka baxaan Faqriga iyakoo dadka loo jiheeyey xaga Beeraha,Bada iyo in laga faa’ideysto qayraadka dalka ku jira waxaana ladhisay warshado badan sida Sonkorta,Hilibak,Baastad,Qudaarta, Dharka iyo kuwo kale.
Dowladii hore waxay kaloo wax ka qabatay Jahliga si shacabka soomaliyeed waxna u qoraan waxna aqriyaan waxaa lafuray iskuulo,jaamacad iyo olalihii waxbarashada sida kan Baro afka carabiga iyo kuwa kaloo tiro badan oo halkaan lagu soo koobi karin.
Safiirkii ugu danbeeyay ee Soomaliya u fadhiyay dalka Maraykan Dowladii dhexe C/karim Cumar ayaa sheegay in aan la dafiri karin wax qabadkii Xukuumadii dhexe Ee Somaliya.
Jaalle Safiir,sharaf, ciso,qaymo badan baad leedahay,runtuna waa wax xanuun badan,laakiin waa lagama maarmaan. Dowladdii kacaanka aheyd wax qabadkeedii cidna ma qarin karto waayo Soomaalidu waxaay tiraahdaa sdar muuqda su’aal ka dhan, sidoo kale Soomaalidu waxaay tiraahdaa Xaglo Geel wax gutin la geliyo ka weyn. Cidna ma qarin karto guulihii ay ummadda Soomaaliyeed ay gaareen muddadii ay jirtey Dowladdii kacaanka aheyd ee uu Hoggaaminayey Allaha u naxariistee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.Xaqiiqadu waxaay tahay wax qabadkii Dowladdii kacaanka aheyd ma ahan wax looga hadli karo comment.
Dowladdii kacaanka ka hor ummadda Soomaaliyeed amaba waddanka Soomaaliya waa la og yahay xaaladda uu ku sugnaa marka laga eego dhinac kastaba. Dowlaalddii kacaanka aheyd markey meesha ka baxday iyo ilaa hadda waqtigaan aan joogno Soomaaliya maxaay ku sugan tahay?. Waa Su’aal yaa waddanka burburiyey? Yaa waddanka dhisay yaase burburiyey?
Sidee xal loogu helayaa mar haddii kuwii waddanka halaagay la siiyo mudnaan aysan laheyn, qofkii mudnaana la qariyo arrintaas daawo ma lagu helayaa?
Waa caddahay in Jabhadihii cudurka qabyaaladdu madax maray ee doonayey iney Hoggaanka dalka qabiil la soo hubeeyey kula wareegaan,dhibaatadii iyo halaaggii ay badeen ummadda Soomaaliyeed weli waa taagan tahay,waxaayna shacabka Soomaaliyeed bareen in qabiil lagu raadiyo xal qaran isla markaana Ajenemi taageero laga raadiyo si ay darajo aysan laheyn qaab kalena ku heli karin aan ka aheyn iney noqdaan Dhabadhilifiin iyo u adeegayaal cadowga soo jireenka ah ee ummadda Soomaaliyeed.
Qofku xusid ama maamuus wuxuu ku helaa wax qabadkiisii intii uu dunida ku noolaa,kama hadlaayo nool oo mutastey abaal marin.
Yaa mudan in la xuso isla markaana geli kara taariikhda ummadda Soomaaliyeed? Taariikhdu waa Hanti ummadeed,waxaana kala dhaxla Jiilba Jiilka ka dambeeya, sidaa awgeed maxaan baraneynaa jiilasha cusub ee Soomaaliyeed, waxaan baraneynaa kuwii waddanka Halaagay baa ahaa kuwo Qurux badan oo waddanka wax wanaagsan u qabtay?
Arrintaan waa mid u baahan in la saxo waayo haddii aan sida ay tahay taariikhda loo dhigin waxaa imaaaneysa in ummadda Soomaaliyeed ay ku dhacdo Taariikh la’aan.
Ummad aan Taariikh laheyna ma jiri karto,haddii ay jirtana ma ahan mid micna badan leh.
Waxaa jirtey inaan isku dayey inaan maqaan ka qoro arrintaan oo aan u arkayey iney tahay in 21 Oo ah taariikhda ay Soomawliya ku faanto caalamkana laga aqoon san yahay in laga dhigo waxaan jirin waxaay la mid tahay cadowtinimo loo haya taariikhda Ummadda Soomaaliyeed. Maqalkayga Cinwaankiisu wuxuu ahaa sidaan. Maqaal: Kuwii galay Xabaasha,maxaa loogu kala eexday? Intii xijaabatay garsoor caddaalad ah ma uga baahan yihiin kuwa weli ku nool dunida?
Laakiin qolooyinkii aanvu direy iima sii deyn waayo anigu weli kuma talo gelin inaan website-sameysto. Qoraallo badanna waan qorey, qolooyinka sii deyn jirey maqaaladeyna anigu Lacag kuma siiyo, iyaguna Lacag iguma siyaan, marka waxaay tahay arrin iska caadi ah.