
Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa laalay go’aankii Maxkamadda sare ee farayay in dib loogu laabto doorashada 8 Kursi oo ka mid ahaa Golaha shacabka Soomaaliya,kuwaas oo doorashadooda ay muran ka taagneyd, Kooramka Xildhibaannada xaadiray fadhiga ee codka geliyay ayaa dhamaa 184,waxaana in la laalo u codeysay 180 ka mid ah halka 4ta kale ay ka aamuseen.
Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa Warbaahinta u Akhriyay Qodobo dhowr ah oo Xildhibaanka uu ku weyn karo Shaqadiisa,waxaana Qodobadaas aan ku jirin in Xildhibaan loo dhaariyay Xil Qaran uusan Xilkaasi weyn karin.
Leave a Reply