Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa xukun dil ah ku ridday Axmed C/laahi Ceydiid oo ahaa gacan ku dhiig lihii ka dambeeyey dilkii Wasiirkii Howlaha Guud iyo guryenta ee Dowladda Soomaaliya Marxuum Cabaasi C/llahi Sheekh Siraaji.
Axmed C/laahi Ceydiid ayaa Racfaan ka qaatay xukun dil ah oo ay horey ugu ridday maxakamadda darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida, kadib markii ay sheegtay in uu ahaa shaqsigii xabada ku dhuftay wasiirka.
Leave a Reply