kalfadhigii barlmaanka Soomaliya ayaa maanta baaqday, kadib markii ay soo xaadiri waayeen inta badan xubnaha baarlamaanka Soomaliya, waxaana loo sababaynayaa Maqnaashaha Baarlamanka inay tahay in xooga Baarlamanka Soomaliya oo aan ku qanacsanayn in Baarlamaanka soomaliya ka hor imaan karo xukun Maxkamadeed taas oo baarlamanka soomaliya uusan haysan awood uu ku laali karo Go’aanaka Maxkamada Sare ee ahaa in lagu noqdo Doorshada * xubnood oo katirsan Baarlamanka Soomaliya oo Muran iyo isqab qabsi Kajiro.
kulankii baarlamaanka ee baaqaday waxaa goobjoog ahaa wasiirka wasaaradda Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, kaas oo horay baarlamaanka Cod gacan taag ah ugu diideen codsi qoraal ah oo uu soo gaarsiiyay guddoonka baarlamaanka.
Leave a Reply