
Mudanayaasha golaha wakiilada Maamulka Somaliland oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Hargeysa ku doortay gudoomiyaha cusub ee golahaasi.
Kursiga gudoomiyaha golaha wakiilada Somali-land waxa uu tartamayay Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle, iyaga oo mudanayaasha golahana ka hor jeediyey khudbado la xiriira qaabka ay u hogaamin doonaan golaha.
Baashe Maxamed Faarax waxa uu noqday gudoomiyaha golaha wakiilada iyada oo ay u codeeyeen 39 xildhibaan, halka xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle ay u codeeyeen 38 xildhibaan.
Xilka Gudoomiyaha Golaha wakiiladda Maamulka Somali-land waxaa iska casilay dhawaan C/raxmaan Ciro oo u taagan xilka Madaxweynaha Maamulkaas.
Leave a Reply