
Senator Cabdiraxmaan Maxamed Faroole madaxweynihii hore ee Maamulka puntland oo kamid ahaa xubnaha guddiga Dib u eegista Dastuurka ee labada Aqal Soomaaliya ayaa ku maanta dhawaaqay in uu iska casilay xiligii uu ka hayay guddiga, waxaana uu sheegay in uu sababo u gaar ah uu iskaga casiley.
Kulan ay isugu yimaadeen Xildhibaanada Aqalka sare ayaa laga akhriyay warqad uu soo gudbiyay C/raxmaan Faroole, kaasoo uu ku codsanayo in laga aqbalo inuu iska casilay xubinimada Guddiga.
Leave a Reply