Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa wada olole ka dhan ah Madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble, iyagoo si weyn uga soo hor-jeestay illaa 7 degmo oo uu labo todobaad gudahood ku magacaabay.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa sheegaya in kursiga laga tuuro Madaxwaynaha Hirshabeele, iyagoo tilmaamay in badbaado uu u baahan yahay Maamulka Hirshabeelle, maadaama madaxdiisa aysan waxba ka qaban waxyaabihii loo igmaday.
Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa shirar gaar gaar ah ku yeelanaya magaalada Jowhar, iyagoo wada qorshe xilka uga qaadi lahaayeen Madaxweyne Cosoble, waxaana la ogeyn sida ay ugu guuleysan doonaan arrintan.
Leave a Reply