Wararka ka imaanaya Magalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax gaari lagu xiray uu qarxay, Inta la xaqiijiyey hal ruux ayaa ku geeriyooday ruux kalena waa uu ku dhaawacmay kadib markii maanta uu qarax gaari taxi ah lagu xiray uu ka dhacay wada gasha garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.
Ruuxa ku Geeriyooday ayaa ahaa ruux taksiile ah waxaana qaraxu uu ku xirnaa gaariga uu watay sida ay xaaqiijiyeen Ciidamada ka hortaga qaraxyada, waxaana ku dhaawacmay qof shacab ah oo gaariga lagu waday xilligii uu qaraxu dhacayey.
Goobta qarax kadhacay waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwaas oo isku gadaamay goobta uu qaraxu ka Dhacay iyagoo dadka iyo gaadiidka u diidaya isticmaalka wadada gasha garonka diyaaradaha gaar ahaan agagaarka Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.
Leave a Reply