Waxaa durba soo baxday digniin shalay soo baxay ay soo saareen laamaha amaanka dalka kenya oo aheyd in laga feejignaado weeraro ka dhaco Dalkaasi kenya waxaana Isla shalay ka dhacay Kenya weerar sababay dhimasho iyo dhaawac badan.
Shan Askari oo ka tirsan ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa ku dhintay weerarkii Shalay ee dhaba galka ahaa oo Dagaalyahano la aaminsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabab ay ka geysteen magaalada Gaarisa ee Kenya.
Warbaahinta kenya ayaa ku waramaya in 100 oo xajiriin ah ay xadeen hubka iyo gaadiidka ciidamada Kenya ka dibna ku weerareen deegaan lagu magacaabo Alijize oo dhaca wadada xiriirisa Degaanka Bodai iyo Degmada Ijara, sida uu sheegay sarkaal Boolis ah oo diiday in magaciisa la sheego.
Sargaal ka badbaaday weerarkan ayaa sheegay in Gaariga ay ku socdaalayeen uu haleelay Qaraxa kaasi oo burburay, Askartan la weeraray ayaa tiradooda la sheegay in ay ahaayeen Todobo Askari, kuwaasi oo howlo Roondo ah Ka waday aagaasi
Leave a Reply