Warar dheerad ah oo ka soo baxay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka xiraale ee gobolka galgaduud:

Waxaa soo baxay faahfaahin ku saabsan qasaaraha ka dhashay dagaal shalay  ku dhex maray deegaanka Xeraale maleeshiyo deegaanka ah oo taabac san maamulka galmudug iyo maleeshiyaad taageersan ururka Ahlu Sunna.

Dagaalkii shalay dhacay ayaa la sheegay in ay ku dhinteen illaa 10 ruux halka ay ku dhaawacmeen tiro kabadan labaatan iyadoo dadka waxyeelada soo gaartay ay ahaayeen maleeshiyaadkii dagaalamay.

Xaalada degaanka ayaa saaka degen balse waxaa jira cabsi laga qabo in markale dagaal uu dhex maro labada maleeshiyo oo isku horfadhiya deegaanka Xeraale.

Dagaalka ayaa sababay in boqolaal qoys ay ka barakacaan deegaanadooda,hase yeeshee waxaa socda dadaalo ay oday duqeyda iyo waxgaradka deegaanka kuwaasoo doonaya  inay ku qaboojiyaan xiisada iyo in labada dhinac ay xabada joojiyaan.

Iskahorimaadka labada maleeshiyo ayaa ku soo noqnoqday deegaanka Xeraale iyadoo labada dhinac ay isku haystaan maamulka deegaankaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.