Warar ay daabaceen Baraha internate-ka ee Taageera Al-shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamada Al-shabaab oo weerar xooggan ku qaaday deegaanno hoosyimaada degmada Mahaddaay Ee Gobolka Shabeelaha dhexe ay qasaare xooggan gaarsiiyeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi oo fariisin ku lahaa deegaanada weerarku ka dhacay.
Al-shabaab ayaa sheegay in dab ay qabadsiiyeen saldhigyada ciidan ee ay weerareen islamarkaana ay ciidanka Shabaabku la wareegeen gacan ku haynta deegaanada la wareeray sida hadalka loo dhigay, Sidoo Kale Warka Xarakada Al-shabaab kasoo baxay ayaa lagu sheegay in halkaa lagu dilay dhawr sarkaal oo ka mid ah sarakiisha ciidanka dowladda kuwa kalena lagu dhaawacay.
Waxaana ka mid ah Saraakiisha la sheegay in dagaalkaasi ay ku dhinteen Sarkaal magaciisa lagusoo gaabiyey Saydoow islamarkaana ay ku dhaawacmeen saraakiil kale oo ay ka mid yihiin Daahir Xeysoow iyo sarkaal kale oo shabaab magaciisa ay kusoo gaabiyeen Jid-haye oo ka mid ahaa saraakiisha Ciidanka dowladda ee degmada Mahaddaay.
Ilaa Haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Maamulka Gobolka Shabeelha Dhexe
Leave a Reply