Xildhibaanada Aqalka sare oo ansixiyay sharciga Isgaarsiinta oo horay ay umeel mariyeen golaha shacabka

Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay sharciga Isgaarsiinta dalka, kaasoo horay u meel mariyay Golaha shacabka.

Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa Sabtidii hor-geeyay Aqalka sare Sharciga isgaarsiinta dalka, waxaana labadii maalmood ee la soo dhaafay ay ka doodayeen sharciga.

40 Senator oo ka soo qeyb gashay kulanka ayaa waxaa 39 ka mid ah ay ansixiyeen sharciga isgaarsiinta dalka.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku dhawaaqay in sharcigan uu yahay ansax.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ansixinaya sharcigan, sii uu dhaqan gal u noqdo.

Waa sharcigii u horeeyay ee Aqalka sare la horkeeno oo ay ansixiyeen, tan iyo markii la dhisay sanad ka hor.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.