Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa kormeer waxa ay ugu tageen Ardayda ku jirtay Imtixaanka ay ugu gudbayaan Jamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
2,400 ardey oo dhamaysatay dugsiyada sare ee dalka ayaa maanta u fadhiistey Imxitaanka ogolaanshiyaha ee Jamacadda Ummadda Soomaaliyeed si ay uga mid noqdaan 1,000 arday oo ay Jaamacaddu qaadanaayso sanadkaan, si ay ugu biraan arday badan oo Jamacadda ku dhigta lacag la’an oo ay dowladdu bixiso qarashaadka ku baxaya waxbarashadooda.
Leave a Reply