Maleeshiyaad hubaysan ayaa Muddo kabadan todobaad ku dagaalamaya Magaalada Xeraale ee Gobolka Galgaduud.
Dadkii ugu badnaa ee Magaalada waa ay barakaceen waxaase wali socda Dadaal la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda oo ay wadaan waxgaradka iyo Culumaa’udiinka Xeraale.
Sh.Axmed Maxamed Salaad Sh.Shuuriye oo kamid ah culimada Xeraale isla markaana mar kasoo mid noqday madaxda Maamulka Ahlusunna ee Gobollada dhexe ayaa Warbaahinta uga waramay Xaaladda magaalada iyo dagaalka waxa uu salka ku hayo.
Cumar lakiman oo katirsan Gedotimes.com ayaa warbixintaan ku faahfaahinaya.
Leave a Reply