In kabadan 102 qof oo Tahriibiyaal African ah ayaa laga soo badbaadiyay badwaynta Mediterranean-ka sida ay sheegeen Saraakiisha Badda ee liibiya waxaana Howlgalkaasi fuliyay Ciidamada ilaalada xeebaha dalka liibiya.
Ciidamada ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay sare u kacday tirada Muhaajiriinta ka imaanaya waqooyiga Afrika iyadoo haatan baddu ay tahay mid degan.
Dadkan Tahriibayaasha ah ayaa la sheegay in ay ku jiraan dad ka soo jeeda dalalka Itoobiya, Uganda, Soomaaliya, Tanzania, Kenya iyo dalal kale, waxaana la sheegay in ay doonayeen in socdaal sharci daro ah ku galaan dalalka Yurub si ay u helaan nolol dhaanta mid ay ku heystaan dalalkooda.
Dad badan oo ay ku jiraan Soomaali ayaa ku dhamaaday Biyaha u dhaxeeya Liibiya iyo Talyaaniga halka kuwa kalane ay u suurta gashay in ay ka gudbaan biyaha labada Dal u dhaxeeyo
Leave a Reply