Wararka ka imaanaya magaalada dhuusamareeb ee xarunta gobalka galgaduud ayaa soo sheegaya in maanta halkaasi ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa Ciidamada Maamulka Galmudug iyo kuwa Ahlsunna.
Sida ay sheegayaan wararka ciidamada gudaha u galay Mareergur oo ka tirsan Galmudug iyo Ciidamo beeleed ka soo ruqaansaday deegaanka Xeraale kuwaas oo todobaadkii la soo dhaafay dagaal culus kula jiray Ahlsunna ayaa ku dhawaaday Magaalada dhuusamareeb ee xarunta Gobalka.
Goob joogayaal ayaa KNN u sheegay in Ciidamada is garabsanaya ayaa hada joogaan duleedka degmada dhuusamareeb ee Xarunta Rasmiga ah ee Galmudug.
Ciidamo ka tirsan Ahlusunna oo wata gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay in la soo dhoobay meel u dhaw halka ay difaaca ka dhigteen Ciidanka weerarka ah ee Galmudug waxaana laga dareemayaa Gudaha Magaalada dhuusamareeb Xiisad dagaal iyo Cabsi badan
Leave a Reply