Deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud waxaa muddo kabadan Bil ku dagaalamay Ciidamo katirsan Ahlusunna iyo Maleeshiyaad deegaanka ah, iyadoona Dagaalkaasi uu sababay dhimasho iyo dhaawac badan iyo barakac ay sameeyeen Kumanaan Shacab ah oo kamid ahaa Dadka Deegaankaasi.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa waxay sheegayaan in Xaaladda Xeraale ay Maanta dagan tahay kadib markii ciidanka Ahlusunna ay Shalay Barqadii isaga Huleeleen Fariisimihii ay ku lahaayeen deegaankaasi.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Maamulka Galmudug Sh.Mursal C/raxmaan Axmed oo waraysi gaar ah siiyay Gedotimes ayaa ka hadlay Xaaladda Xeraale iyo Dagaaladii Dhacay, iyo sidoo kale faahfaahin ku saabsan Dagaalkii maanta ka dhacay Duleedka Dhuusamareeb.
Wasiirkaan ayaa shegay in shacabka Xeraale ay xoog isaga saareen Ciidankii Ahlusunna, sidoo kale ay tahay Guul usoo hoyatay Galmudug.
Cumar Lakiman oo ku sugan Studiyaha Gedotimes ee Caabudwaaq ayaa Wasiirka oo Cadaado ku sugan Qadka Taleefanka ku waraystay.
HALKAAN HOOSE KA DHAGAYSO WARAYSIGA:
Leave a Reply