Degaanka Mareerguur oo ka tirsan gobolka Galgaduud shalay waxaa ka dhacay dagaal qaraar oo dhexmaray maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna iyo maamulka Galmudug.
Ahlusuna ayaa sheegtay Dagaalkaas in ay soo qaadeen ciidamo isbaheysi ah oo ka kala tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug, kuwaasi oo ka soo dhaqaaqay magaalada Cadaado.
Madaxa warfaafinta ee Ahlusuna Muxudiin Cali Jimcaale (Jakuula) oo la hadlay Risaala ayaa sheegay ciidamada weerarka soo qaaday in ay la socdeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug.
Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug (Masagawaa) ayaa sheegay Galmudug in wax lug ah aanay ku laheyn dagaalka, laakiin ay jiraan masuuliyiin ka tirsan Galmudug oo gaaray degaanka, halkaasi oo ay ku yaallaan guryahooda.
Galmudug waxay kaloo sheegtay in ay weli ogsoon yihiin in uu socdo wada hadalka u dhaxeeya maamulka Galmudug iyo Ahlusuna, laakiin ma aysan sheegin wada hadalkaasi meesha uu ka socdo.
Leave a Reply