Madax-dhaqameed isugu jiray Salaaddiin,Isimmo,Cuqaal iyo waxgarad kale oo isaga yimid gobollada Sool ,Sanaag iyo Cayn ayaa ku guulaystay in heshiis dhamaystiran laga gaaro Colaadii ka taagnayd Degmada Buuhoodle.
Dagaalkaas ka dhacay Magaalada Buuhoodle Toddobaadkii hore ayaa waxaa uu sababay Dhimashada 10 Ruux iyo dhaawaca 30 kale .
Saddexdii maalmood ee ugu dambaysay Isimmo iyo waxgarad kale oo u tagay Buuhoodle daminta colaada oo ay gogoshu u taalay Degmada Buuhoodle,ayaa gaba gabadii soo dhaweeyay qoddobada heshiiska ay wada gaareen labada dhinac.
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo kamid isimmada Puntland ayaa cadeeyay ,in Xal laga gaaray Colaada la iskuna keenay Beelaha ay u dhaxeeyso isagoona intaa raaciya in ay heshiiyeen oo ay Nabad qaateen,Sidoo kalena colaada ka jirtay Buuhoodle aysan wax siyaasada ah lug ku lahayn balse ay u dhaxaysay dhalinyaro kasoo jeeda mid kamid ah beelaha wada daga Degmada Buuhoodle .
Garaadka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in labada dhinaca ay is hor fariisteen wakhti 22 saacadood ka yarna ay wada gaareen heshiis dhaxal gal ah .
Leave a Reply