Xasan Sheikh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa Dalka K/Afrika kaga qeybgalaya Shir weyne ay soo qaban qaabisay Hay”dda Thabo mbeki foundation,isla markaana looga hadlaayo qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin arimaha siyaasadda,kuwa bulshada iyo dhaqaalaha.
Shirweynahaasi oo ay ka qeybgalayaan Hogaamiyaashii soo maray Qaaradda waxaa mudada uu socdo diiradda lagu saarayaa sidii la isaga kaashan lahaa ka hortaga dhibaatooyinka soo wajaha Qaaradda ,gaar ahaan caqabadaha hor taagan nabadda,Dowlad wanaaga, dhowrista sharciga iyo Kaalinta ay Afrika kaga jirto nabadeynta Caalamka.
Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay qeybaha Warbaahinta ayaa waxa uu yiri” Dalkaan South Africa waxaan u imid inaan ka qeybgalno Shir ay ka qeybagalayaan Madaxweynaashii hore ee Qaaradda Afrika iyo dad Waxgarad ah kaas oo looga hadlayo hogaanka Qaaradda waxaana lagu wadagayaa waaya aragnimada.
Madaxweynihii hore Dowladda Federalka ee Soomaaliya oo maalinimadii shalay gaaray magaalada Johannseburg ee Dalka K/Afrika, waxaa garoonka diyaaraha ee magaaladaadi kusoo dhaweeyay madaxda Safaaradda Soomaaliyeed ee K/Afrika,qaar ka mid ah Waxgaradka iyo Ganacsatada Soomaalida iyo Madax ka tirsan Dowladda K/Afrika.
Shirkan oo socon doona laba maalmood ayaa waxaa ka qeybgalaya Madaxweynayaashii hore ee Dalalka South Africa,Tanzania,Tunisia,Nageria iyo kuwo kale.
Leave a Reply