Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dadkii lagu dilay Maykaareebey oo ka Dhacay Gobolka Gedo

Banaanbax waa wayn oo looga soo horjeedo Dadkii Shacabka ahaa ee lagu dilay Maykaareebey ee Gobolka Gedo ayaa ka dhacay Degmooyinka Garbahaarey,Ceelwaaq,Baladxaawo, Luuq iyo Baardheere.

Kumanaan Ruux oo isugu jira Rag,Haween, dhalinyaro,iyo Culamadiin Shacabkaan ayaa isugu soo baxay Wadooyinka waa wayn ee Degmooyinka gobolka Gedo kuwaas oo dalbanaya in Sharciga la soo horkeeno Ciidamadii ka dambeeyay Dilka Dadka Shacabka ah ee AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya.

Banaanbaxa ayaa imaanaya Xilli Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya ay dad shacaba ku xasuuqeen gobolka Gedo kuwaas oo aan raaligalin iyo magdhow toona ka bixin.

Wararkeena dambe kala socda warar dheeraad ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.