Xilka Baan Ka Qaadayaa Wasiirkii Kulan La Yeesha Qaramada Midoobay”+Dhageyso

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed  Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa Xubnaha Golaha Wasiirada Maamulkiisa  uga digay inay Kulamo aan la ogeysiin Xafiiska ay la qaataan Madaxda Qaramada Midoobay iyo Wakiilada wadamada Caalamka ee daneeya Siyaasada Soomaaliya waxa uuna Xusay in uu tilaabo muuqata ka qaadi doono Wasiir lagu helo in amarkaasi jabiyey.

Madaxweyne Xaaf ayaa Golaha Baarlamaanka iyo Wasiiirada ka dalbaday inay ku soo war-galiyaan Shaqsigii Xukumadda ka tirsan oo kulan qarsoodi ah la yeesha Madaxda Qarmada Midoobay ee Soomaaliya si uu Tilbaabo deg deg ah uga qaado taasi oo noqon karta in Xilka laga qaado.

Madaxweyne Axmed  Ducaale ayaa xusay Beesha Caalamanka ay Galmudug ka sugayso dhaqaale Badan oo dib u dajin loogu Saameyo dadka Colaada iyo Abaartu ay deegaanadoo ka Barakicisay si loo hubiyana loo baahan yahay in la Xakameeyo dhaq-dhaqaaqa ay Sameynayaan Mas’uuliyiinka Maamulka Galmudug iyo Kuwa Qaramada MidoobAy ee yimaada Deegaanada Galmudug.

Halkaan ka dhageyso:

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.