Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya Cabdi Faarax Juxa oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay go’aankii dhawaan kasoo baxay ra’isulwasaaraha Soomaliya Xasan Cali Kheyre ee wasiirada Soomaliya lagu farayay in aysan dhigi karin baraha bulshada waxyaalo la xiriira siysaadda.
Wasiir Juxa ayaa sheegay in uu isticmaalo baraha bulshada oona weydisaneynin Raisulwasaare Xasan Cali Kheyre waxaana uu sheegay in uu garanaayo waxa oo ku qoraayo iyo waxa kale.
“Ani waxaan isticmaalaa Facebook saxaafadana waa ka hadlaa, waayoo isma quseeyo ka hadlida dhacdooyinka qaar ee amniga ku saabsan iyo howlaha shaqo ee ka socda Wasaarada arimaha Gudaha, hadaan u baahdo in aan facebook wax dhigo ama aan la hadlo warbaahinta taasi aniga ayay iga falantaa, laakin tilaabo fiican ayaa u arkaa in lala la xakameeyo waxyaalaha qaar”, ayuu yiri Wasiir Juxa.
Raisulwasaaraha Soomaliya Xasan Cali kheyre ayaa dhawaan Golihiisa wasiiradaa ku amray in aysan baraha bulshada dhigi Karin waxyaabo uusan ogeyn, kadib markii qaar kamid ah wasiiradiisa ay siyaabooyin kala duwan ugu hadleen weerarkii lagu xasuuqay dad beeraley ahaa oo ku sugnaa deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose
Leave a Reply