Al-Shabaab oo Weerar Ka Geystay Gobolka Gedo

Dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa weerar qorshaysan waxa ay ku qaadeen deegaanka DabaCity ee u dhaxeeya Magaalooyinka Ceel-waaq iyo Kutulo ee Gobolka Gedo.

Al-shabaab ayaa la sheegay in ay burburiyeen qalabkii isgaarsiinta deegaankaas yaalay, iyagoo sidoo kale gubay howlkii shirarka ee Shirkadda.

Dadka degaanka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in shaqaalihii shirkadda aysan joogin xiliga uu weerarka dhacayay islamarkaana uusan jirin qasaaro ka dhashay weerarka, marka laga reebo in Al-shabaab ay burburiyeen qalabkii shirkadda.

Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Dowladda Kenya oo loogu hadlaayo weerarka shabaab ay geysteen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.