Daawo:Wasaaradda arrimaha dibadda oo qabatay kulan logu duceynayay Marxuum C/raxmaan Jaamac Barre

cabdirixman

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa Munaasabad duco iyo xusuus ah maanta ugu qabatay Royal Palace Hotel ee Magaalada Muqidisho Marxuum Abdirahman Jama Barre, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda oo August 15, 2017, ku geeriyooday Magaalada San Diego, Gobolka California ee dalka Mareykanka.

Munaasabadaan ducada ah oo ay ka soo qeybgaleen Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka sare, Wasiirro, Xildhibaanno ka kala tirsan labada aqal, qaar ka mid ah danjirayaasha Soomaalida, qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada, diblomaasiyiin, samadoonno, indheer garad, aqoonyahanno iyo dad wax ku ool u ah bulshada, waxa ayna dhammaantooda Allah uga baryeen Marxuum Cabdiraxmaan Jaamac Barre in qabrigiisa ka dhigo beer ka mid ah beeraha Jannada, hoygiisana ka yeelo Jannada sare ee Alfardows.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.