Guddiga doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa shaaca ka qaaday xilliga la qabanayo doorashada Madaxweynaha, iyagoo maanta soo bandhigay shuruudaha laga rabo Musharaxiinta u taagan xilkaas.
Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Madaxweynaha ayaa waxay ku soo bandhigeen jadwalka doorashada, iyadoo doorashada Madaxweynaha la qabanayo 12-ka bisha September.
Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in 2-da bisha September oo ku beegan maalinta Sabtida ee soo socota ay bilaabaneyso araaji qabashada musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynha.
Halkan hoose ka akhriso
Leave a Reply