Wararka Naga soo gaaraya degmada ceel waaq ee gobolka gedo ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay labo kamid ah oday dhaqameed- degnaa degmada ceelwaaq kuwaas oo magacyadooda lagu sheegay Cabdi raxmaan Ugaas Cali iyo Aadan Macalin Caliyoow.
Dilka labadan oday ayaa yimid kadib markii ay guryahooda ka ka xeysteen rag hubeysan oo gaarayay ilaa 10 qof sida uu idaacada kulmiye u xaaiijiyay gudoomiyaha degmada ceel waaq ee gobolka gedo ibraahim guuleed Aadan waxaana uu intaas ku daray in odayaasha lagu dilay meel suuq ah,isagoona Dilkaasi kuu Eedeeyay inay kambeeyeen Dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in ragii geystay dilka ay iskaga baxsadeen goobta ay falka ka geysteen,waxaa uu Xusay in amaro ay ku soo rogeen in xiliyada habeenkii ah Gaadiida iyo Mooto,kaasi oo ku aadanaa aysan magaalada soo gali Karin sababo uu ku sheegay dhanka amniga
Gobolka gedo ayaa waxaa ku soo laab laabtay dilalka loo geysto dadka shacabka ah,hayeeshee 27-kii bishii aynu soo dhaafnay ayay aheyd markii darawal lagala degay gaarigii uu waday,islamarkaana la dilay,iyadoo maamulka degmada ceel waaq uu sheegay in ay dilalkaas ay ku eedeynayaan ururka Al-shabaab
Leave a Reply