Taliska ciidamada xooga Dalka qeybta 21-aad ayaa soo saaray amaro la xiriira adkeynta amaanka guud ee Magaalada Cadaado.
Taliska ayaa sheegay in aan hub aan lagu dhex wadan Karin gudaha Magaalada Cadaado.
Taliska ayaa tilmaamay in aysan aqbali doonin in ciidamo aan ahayn kuwa amaanka in aysan hub ku dhex wadan Karin gudaha magaalada.
C/llaahi Aadan Xuseen Cirro oo ah taliyaha qeybta 21-aad ee ciidamada xoogga Dalka ayaa sheegay in ay ku dadaalaya xaqiijinta amaanka iyo yareynta hubka gudaha magaalada lagu dhex wadanaayo.
Sidoo kale Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidamada xoogga Dalka C/llaahi Aadan Xuseen Cirro ayaa shacabka Magaalada Cadaado ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka si loo xaqiijiyo amaanka guud ee magaalada.
Leave a Reply