Wararka ina soo gaaraya Degaanka Buulo Gaduud ee Gobolka Jubbada Hoose,ayaa waxa ay ku soo waramayaan in Dagaal u dhaxeya Al-Shabaab iyo Ciidanka Maamulka Jubbland uu halkas ka soconayo.
Werarka ayaa waxa la sheegay in uu bilaawday Saakay Aroorti,iyadoo Dagaalka la sheegay in uu ku bilaawday qaraxyo iyo Jug Culus sida ay inoo sheegen Saraakil ka tirsan Ciidamada Maamulka Jubbland.
Saldhiga uu Dagaalka uu ka socdo ayaa waxa ku sugnaa Ciidamada Jubbland,waxa uuna 30 km u Jira Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Dagaalka ayaa waxa la sheegaya in uu wali Degaankas ka socdo, iyadoo labada dhinac ay isku adeegsanayaan Hubka Nuucadiisa kala duwan.
Masuuliyiinta Maamulka Jubbland oo aan la xirirnay ayaa inoo sheegay in Xilgaan aysan ka warbixin Karin Khasaraha dhabta Madama Dagaal uu wali socdo.
wixii ka soo kordha halkaan kala soco
Leave a Reply