Banaanbaxayaasha ayaa dalbanayay in dowladda Soomaaliya ay war cad ka soo saarto sababta wiilkooda loogu gacan geliyay Itoobiya.
Cali Cismaan Qalbi-dhagax oo ay qaraabo yihiin C/Kariin Sheekh Muuse; ayaa Dowladda Soomaaliya ka dalbaday in ay C/Kariin ku soo celiso gacanta dowladda Soomaaliya kaddibna dadkiisa iyo ehelkiisa ku wareejiso.
Banaanbaxa dadkii ka hadlay waxaa ka mid ahaa 5; Carruur ah oo Galbi-dhagax uu dhalay kuwaas oo ay u dhashay xaaskiisa saddexaad oo ku nool Muqdisho.
Xildhibaannada Golaha shacabka iyo Dadweynaha Soomaaliyeed ayey banaanbaxayaasha ka dalbanayeen in ay ka qeyb qaataan dib u soo celinta Galbi-Dhagax oo 27kii August ay dowladda Soomaaliya ku wareejisay Dowladda Itoobiya.
Haweeyneydaas ayaa wax ku doodday in Madaxweeynaha,Ra’islawasaaraha,Lataliyaha amaanka ee Madaxweynaha iyo Taliyaha Nabad Sugidda ay Dowladda Itoobiya ku wareejiyeen Odaygeeda,waxaana ay dadka Soomaaliyeed ka codsatay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u soo celinta Odaygeeda
Leave a Reply