Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ku kala aragti duwanaaday arinta Qalbi

Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa siyaabooyin kala duwan kaga hadlay xiisadda la xiriirka C/kariin Sheikh Muuse Qalbi Dhagax.

Xildhibaan  Maxamuud Abuukaate, oo kamid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa dhaliilay in dowladda Ethiopia loo gacan geliyo C/kariin Qalbi Dhagax, wuxuuna musiibo ku tilmaamay in muwaadin Soomaaliyeed dowlad kale loo gacan geliyo.

“Waxay runtii noqotay Layaab dadku aad ula yaabeen,waana mid aan sinnaba loo qaadan karin muwaadin Soomaaliyeed oo dhulkiisii jooga in loo gudbiyo cadow la og yahay wuxuu kala kulmayo, waxay arintaasi dhaawac ku tahay jiritaanka iyo sumcadda Soomaalinimada, waxay dhaawac ku tahay dastuurka noo yaal ee KMG qodobkiisa 36’aad”ayuu yiri xildhibaan Abuukaate.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa isagana ka hadlay arintaan, wuxuuna hadalkiisa u muuqday mid dowladda Soomaaliya uu ku difaacayo inay ku saxneyd qaabka ay u wajahday kiiska Qalbi Dhagax.

“Shaqsiga ONLF ka tirsan ma Soomaaliya ayuu ONLF u yahay oo uu la dagaalamayay mase Ethiopia la dagaalamayay ? Ethiopia haddii uu la dagaalamay Ethiopia ayaa xaq u leh  inay raadsato oo ay qabsato oo ay dacweyso, runtaan ka hadlayaa, annaga ONLF ma nihin, Soomaaliya ONLF ma ahan, Soomaaliya dal burburay oo aan rabno siyaasidiisa inuu soo kabto waayo”.

“Inaan amnigeena gacanta ku qabano waaye, laakiin dano ONLF ah dalkeena uma burburineyno annaga”ayuu hadalkiisa kusii daray xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Siyaasi Salaad Cali Jeele oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa dhankiisa ka hadlay arimaha maalmahaan aad loo hadal hayay oo ku aadan dhiibitaanka C/kariin Qalbi Dhagax.

“Sida aad wada og tihiin ninka laga hadlaayo sida la sheegay waa ururka ONLF nin ka tirsan waxaadna og tihiin Soomaaliya marxaladda ay maanta mareyso ineynan Jabhad caawin karin, maadaama marka aysan jabhad caawin karin, aadna 0g tihiin horey in jabhadahaasi loo caawiyay  oo qaranka Soomaaliyeed uu ku fashilmay oo dowladi hore ay ku burburtay”

“Marka waxaa loo baahan yahay in si xil kasnimo leh oo waxgaradnimo leh oo anaga xaalada aan ku jirno qalqal siyaasadeed iyo qatar aan gelineyn in arinta loo wajaho”ayuu yiri Salaad Cali Jeele.

Dhinaca kale qaar ka mid ah xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka ayaa sheegay in arintaan lagula xisaabtami doono dadkii masuuliyadeeda lahaa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.