Amaanka Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle oo aad loo adkeeyay.

Amaanka Guud ahaan Magaalada Jowhar ee Xarunta Hirshabeelle sidoo kalane ah Xarunta gobalka Shabeelaha dhexe ayaa aad loo adkeeyay waxaana la geeyay Ciidamo dheeraad ah Kontaroolada laga soo galo iyo kuwa Magaalada looga baxo sida ay xaqiijiyeen laamaha amaanka.

Sidoo kale Gudaha Magaalada ayaa lagu arkayaa Gaadiidka Gaashaaman ee AMISOM kuwaas oo loo keenay in ay sugaan amaanka doorashada Hirshabeelle oo lagu wado in ay dhacdo 12-ka Bishaan sida ku cad Jadwalka doorashada Maamulkaasi.

Ciidamada AMISOM ayaa ku sugan Hoolka doorashada iyo Nawaaxigiisa kuwaas oo la sheegay in ay mas’uul ka yihiim Amaanka doorashada waxaana shalay halkaasi laga wareejiyay dhamaan Ciidankii Soomaalida ee ku sugnaa Hoolka doorashada,

Dhinaca Kale waxaa aad looga Cabsi qabaa in ay dib u dhacdo doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle kadib markii la sheegay in aysan ilaa hadda iska diiwaan gilin Xarunta gudiga doorashada Murashaxiinta Boorarka magaalada ku dhegsaday.

Qabashada aarjida Murashaxiinta ayaa ku eg sida jadwalka ku cad maalinta Sabtida ee Todobaadkaan oo ku beegan 9-ka Bishaan waxaana kadib Bilaaban doono dhageysiga Khudbadaha Murashaxiinta.

Xiiso badan ma leh doorashada Hirshabeelle ee sanadkaan markii loo eego tii ka horeysay ee lagu doortay Madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble oo ay Baarlamaanka xilka ka qaadeen.

Murashaxiinta qaar ayaa muujinaya Kalsooni dara ah in aysan lacag gilin karin Hirshabeelle, waxa ayna ka cabsi qabaan in aysan guuleysan doonin Sababtoo ah Murashaxiinta qaar ayaa la sheegay in ay dabada ka riixayaan dad Saameyn ku dhex leh Siyaasadda Hirshabeelle iyo Xubno ka tirsan Dowladda dhexe

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.