Guddoomiyaha ayaa sheegay in aysan macquul ahayn in Ciidamada amaanka ay biro iyo dhagaxaan ku jaraan wadooyinka dib loo dhisay iyo kuwa bilicdooda la hagaajiyay.
Waxa uu sheegay in Ciidamada loogu baahan yahay in ay iska joojiyaan arrintaan muhiimna aysan aheyn in ciidamada amaanka ay wadooyinka nadaafad daro iyo muuqaal xun ka bilaabin.
Dhanka kale Guddoomiye Thaabid ayaa sheegay in wadada Janaraal Daa’uud si rasmi ah ay u bilaabatay dib u dhiskeeda,isagoo intaasi ku daray in la dhisi doono dhamaan waddooyinka burbursan ee dhexmara degmooyinka Gobolka Banaadir
Leave a Reply