Howlgal lagu soo qabtay waxyaabaha maanka dooriya

Howlgal Ciidamada Booliska gobolka Sool ay sameeyeen ayaa lagu soo qabtay waxyaabaha maanka dooriya oo uu ka mid yahay Khamriga iyo raggii watay.

Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Sool Gaashaanle Dhexe Khaliif Maxamuud Cali ayaa sheegay Khamrigan in ay ka soo qabteen magaalada Bala-harac, kaasi oo uu sheegay in la soo gelin rabay magaalada Laascaanood.

Wuxuu kaloo sheegay Taliyaha in howlgalkan uu socon doono, islamarkaana lagu ciribtiri doono maan dooriyaha la soo geliyo Laascaanood.

Howlgalkan oo Ciidamada Booliska gobolka Sool ay sameeyeen ayaa waxaa lagu soo qabtay 240 dhalo oo Khamri ah.

“Halkan waxaad u jeedaan Khamrigan oo aan ka soo qabanay magaalada Bala-harac, kuna soo socday Laascaanood, balse Ciidamada ayaa ka hortagay oo keenay Khamriga iyo raggii watay, waxaa weeye waa afooyinka ugu waa weyn ee ummadda aafeeyay.” Ayuu yiri Gaashaanle Dhexe Khaliif

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.