Xili uu Madaxwaynihii Jubbaland uu ku sugan yahay Gobolka Gedo kalana kulmay waji gabax iyo dad caraysan oo kasoo horjeeda imaatinkiisa iyo kuwa uu hantidoodii boobay ayaa waxaa magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo lawareegay Xarakada Alshabab.
Mid kamid ah dadka deegaanka Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo oo goordhaweyd ay laxariirtay Gedotimes ayaa sheegay In Xarakada Al-shabaab oo wata gadiiidka dagaalka ay haatan gacanta ku hayaan degmada islamarkaana Ciidmadii dowladda ay isaga baxeyn.
Ilaa haatan si dhab ah looma qasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo.
Leave a Reply