Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland oo uu ka mid yahay Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa tagay Goobta ay Musiibadu ka dhacday oo Shan Carruur ah oo wada dhashay ay ku dhinteen Magaalada Kismaayo ka dib markii uu Dab qabsaday Guri ay ka daganaayeen Xaafad ka mida Magaalada Kismaayo.
Carruurta Gubatay ayaa Degenaa Xaafadda Farjano gaar ahaan Dalxiiska,waxaan halkaas ku nool Qoysas Barakacayaal,ah,iyadoo ay Xusid mudan tahay in Carruurta Gubatay ay ka mid ahaayeen Barakacayaasha ku nool Kismaayo Duleedkeeda.
.
Leave a Reply