
Wararka ka imaanaya Degaanada Ahlusunna ee Gobollada Dhexe ayaa sheegaya in Degaanno hoosyimaada Magaalada Guriceel ay isku Fidiyeen Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab.
Degaanada ay Shabaabku isku Fidiyeen waxaa la sheegay in ay ka mid yiiin dhagaxyaale iyo war-dhuumale,kuwaas oo Hoostaga Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Guddoomiye Kuxigeenka Kowaad ee Baarlamaanka Ahlusunna C/llaahi Gureey oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in ay ka Warhayaan Isbalaarinta Al-shabaab islamarkaana ay ka hortagi doonaan Qorsheyaasha Al-shabaab.
Al-shabaab ayaa Maamula Degaanno dhowr ah oo ka tirsan Gobollada Dhexe ee Ahlusunna,waxaana Ahlusunna ay dhowr jeer sheegtay in ay la dagaalameyso Al-shabaab
Leave a Reply