Shirka golaha wasiirada maamul Goboleedka Galmudug oo uu shir gudoominaayey madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Maxamed Xaashi (Carabeey) ayaa maanta looga hadlay arrimo ku saabsan Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeyo madaxda ugu sareyso maamulkaasi.
Waxaana shirkaasi inta uu socday lagu faaqidey xal u helida is qab qabsiga mas’uuliyiinta maamulkaasi oo sabab u ah mowfiqka uu madaxweynaha maamulkaasi ka qaatay khilaafka wadamada khaliijka Carabta.
Wasiirka wasaarada warfaafinta maamulka galmudug mudane Maxamuud aadan Cusmaan )ayaa warbaahinta u akhriyey war murtiyeed kasoo baxay shirka golaha wasiirada maamulkaasi.
Leave a Reply