Colaada miyiga Gaalkacyo oo horey heshiis looga gaaray ayaa waxaad moodaa in hada ay soo cusboonaatay, waxaana Todobaadyadii la soo dhaafay dhacayay Dagaalo u dhaxeeya laba Maleeshiyo beeleed.
Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka gobolka Mudug gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Galmudug ayaa waxa ay ku baaqayaan in la joojiyo Dagaalka, si uusan u dhicin barakac iyo sidoo kale in khasaare uu soo gaaro dadka rayidka ah.
“Waxaan la hadalnay Isimada iyo Waxgaradka maamulka Puntland, waxaan u sheegnay arintaasi inaan ka xunnahay oo aan wax ka qabaneyno, dad masaakiin ah oo aan waxba galabsan ayaa wadada loo galay oo la laayay, taasina wax fiican ma ahan.” Ayuu yiri mid ka mid ah Waxgaradka Mudug.
Leave a Reply