Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka soomaaliyeed Batuulo shiikh Axmed Gaballe oo Maanta Shir Ku qabatay Muqdisho ayaa sheegtay in ay Ka Go’antahay Ururka Haweenka Qaranka, Taageerida Madaxwaynaha dalka.
Hadii aan Nahay Haweenka Soomaaliyeed Waxaan Taageereenaa Dowlada soomaaliya, Waxa ayna sheegtay in ay Muhiim tahay in laga Heshiiyo Caqabadaha Yar yar ee La isku Haysto.
Khilaafka Maamul Gobaleedyada iyo Dowlada dhaxe, waxuu Sal ku leeyahay arima Qabiil waana in Xal wayn laga gaaraa sidaas waxaa Maanta shaacisay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo shiikh Axmed Gaballe.
Hadalka Batuulo ayaa imaanaya xili uu Jiro khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Maamulka Galmudug oo Hogaamiyo Axmed Geelle Xaaf, iyo Dowlada dhaxe ee Dalka Kaas oo ka dhashay Arimaha Khaliijka.
Batuulo shiikh Axmed Gaballe waxay ka mid aheed Xubnihii Horay Utaageeray Madaxwayne Xasan shiikh Maxamuud laakiin ma uusan Saameen Xilalkii Laga qaaday Dadkii Taageerada uu muujiyay Xilligii Ololaha uu ka socda Soomaaliya
Leave a Reply